Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta u amba baxay Jabuuti

Date:

Muqdisho(SNTV)ย Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafddi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba baxay dalka Jabuuti Jamhuuriyadda Walaalaha aanu nahay ee Jabuuti.

Ujeedada safarka wafdiga guddoomiyaha ayaa ah sidii ay uga qeybgalilahaayeen xuska maalintii Jabuuti ay gumeystihii Faransiisku ka xorowday ee 27 June.

Waxaa ku wehliya safarkiisa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,waxaan ku sii sagootiayay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho masโ€™uuliyiin ka tirsan dowladda.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa inta uu joogo dalka Jabuuti waxaa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda dalka Jabuuti,sida madaxweynaah iyo guddoomiyaha baarlamaanka dalkaasi.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah wadamada ugu horeeyo ee taageera Soomaaliya,waxaana lagu xusuustaa in dadaalkasta oo walaaltinimo ay ku bixinayaan horumarkasta oo ka dhasha geyiga Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...