Baladweyne (SNTV) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa maanta Magaalada Baledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan ka furay imtxiaanka Shahaadiga ah ee dugsiyadda Sare.
Ardayda maanta uu Wasiirku u furay Imtixaanka ayaa tiradooda waxa ay gaareysay 1400 oo arday ,kuwaasoo horay ugu baaqday imtixaankii dowladda dhexe ay qaaday.
Wasiirka ayaa ardayda kula dardaarmay in ay dadaal badan ay Muujiyaan,islamarkaana ay ilaaliyaan Nidaamka Imtixaanka.
Ardayda kunool Magaalada Baledweyne ayaa ka haray Imtixaanka Shihaadiga ahaa ee dugsiyadda Sare ee ay qaaday dowladda Soomaaliya Bishii May ka dib markii Fatahaado badan ay ku dhufteen Magaaladaasi.