Cod bixinta Doorashada Madaxtinimo ee Turkey oo bilaabatay.

Date:

Turkey(SNTV) Shacabka dalka Turkiga ayaa maanta u dareeray cod bixinta doorashada dalkaasi ka dhaceyso ee laga soo hormariyey xilligeed, waxayna shacabka turkiga ay codbixinta  maanta u dareerayaan ay ku dooranayaan madaxweynaha iyo xubnaha baarlamaanka ee dalkaasi.

Waxaa la filayaa in Doorashadan maanta dhacaysa uu loollan adag uu kala kulmo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, cod bixinta doorashadan si ka duwan doorashooyinki hore isaga oo xilka madaxtinimada soo hayey mudda 15 ka sano ah, iyadoo uu jiro siyaasi kale oo loolan adag uu kula jiro.

Wuxuuna sheegay haddii uu doorashadan ku guuleysto inuu meesha ka saarayo kursiga ra’isal wasaaraha taasoo  mucaaradka ku tilmaameen mid dimuqraadiyadda wiiqeyso.

Madaxweyne Ordugaan Waxaa doorashada maanta socota kula loolamaya musharraxa isbahaysiga mucaaradka Muharrem Ince oo siyaasaddiisu tahay bidix dhexe, Xisbiga Erdogan AK wuxuu dadaal adag u galay  sidi uu u hanan lahaa aqlabiyadda kuraasta baarlamaanka dalkaasi, warar  ayaa sheegay haddii uu kuraasta aqlabiyadda uu heli waayo qorshaha uu ku darsanayo sidi loo dhisi lahaa dowlad isbahaysi ah, balse ma sheegin xisbiga uu isbahaysiga la sameeysanayo.

Erdogan 2003 ayuu ra’isal wasaare noqday wuxuuna xilka soo hayay ilaa iyo 2014 oo madaxweynenima loo doortay.

Madaxweynaha haatan talada dalkaasi haya Ordugan ayaa waxaa uu ku guuleystay in uu isbedello badan ka sameeyo dalkaasi, iyadoo siyaasadiisu ay tahay mid si weyn ay ula dhacsanyihiin dhamaan waddamada Islaamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Muqdisho ka Daahfurtay Qaybta 1-aad ee Aqoon-kororsiga Warbaahinta Nabadda

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad...