Agaasimaha Guud ee Hay’adda HSJ oo kulan la qaatay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaliya

Date:

Muqdisho(SNTV):–Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Col. Mohamed Adam Kofi ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Turkiga u fadhiya Soomaliya Olgan Bekar.

Kulankan ay yeesheen Safiirka iyo agaasimaha ayaa waxa ay kaga wadahadleen in la iskakaashado arrimaha Socdaalka la xariira, isdhaafsiga qibradaha iyo tababarada iyo in muwadiniinta labada dal loo fududeeyo sidii ay ku heli lahayeen Dal-ku galka (visa)

Ugu dambeyn labada masuul ayaa ka wadahadlay in si wadajir ah looga wada hortago dadka sida sharci darada ah ugu safraya dukumintiyada been abuurka ah iyo arrimaha la xariira Tahriibka oo ay dad Soomali ah oo badan Turkiga uga sii tahriibaan Gariiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyey geerida Dr Cumar Aaden Cadde

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo booqday Xarunta Dhexe ee Machadka Warbaahinta Al-Jazeera

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan degmada Xuddur

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 9-aad ee...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi Dhinaca Difaaca Ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...