Siyaasadda Sharciga Trump ee soo galootiga oo u wareegtay Kongareeska si loo meelmariyo

Date:

Muqadisho (SNTV) Siyaasadda Mareykanka ayaa dagaal xooggan ugu jirta sidii ay wax uga qaban lahayd caruurta soo galootiga ah oo laga gooni yeelay waalidiintooda arrintani oo si weyn u hortaala golaha Kongareeyska Mareykanka, kadib markii uu Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump saxiixay nidaam sharci ah oo lagu joojinayo siyaasadda dhinaca socdaalka soo galootiga.

Wakiilada Aqalka ayaa lagu wadaa in ay u codeeyaan dood weyn oo laga yeelan doono socdaalka taasi oo lagu maalgelin doono darbiga weyn ee uu soo jeediyay in laga dhex dhiso Mareykanka iyo Mexico si loo yareeyo socdaalka.

Balse dimuqraadiyiinta ayaa kasoo horjeeda talaabooyinkani waxaana lagu soo waramayaa in aysan kala cadeeyn in ay meelmarin doonaan iyo in kale.

Trump ayaa siyaasaddiisa la sheegay inuu si khalad ah u leexiyay siyaasadda kadibna waxaa cirka isku shareeray buuq iyo qaylo dhaan gudaha iyo dibadda taasi oo ku qotanta siyaasadda muhaajiriinta.

Sharciga uu soo saaray madaxweynaha jamhuuriga katirsan ayaa ku baaqaya in si wadajir ah xabsi loogu taxaabayo qoysaska marka la miisaamo xaaladahooda kadib.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Shir-guddoomiyay Kulanka Wasiirrada Maaliyadda Geeska Afrika

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Soomaaliya oo ka qeybgashay Meertada 8-aad ee Shirweynaha Biyaha Qaahira

Qaahira, Masar, 17-ka Oktoobar 2025: Iyada oo lagu guda...

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal...