Injineerro Turki ah oo soo booqdey Muqdisho

Date:

Muqdisho, 21 June 2018 – Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiikiisa ku qaabilay khubaro iyo Injineero ka socday dalka Turkiga, waxana uu kala hadlay sidii ay dawladda hoose uga caawin lahaayeen dib-u-dhiska Caasimadda.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa sheegay in ujeedka injineerada iyo khubaradan u casuumeen ay tahay sidii ay dib ugu howlgelin lahaayeen xarunta gaadiidka iyo dayactirka Warshadda sameysa laamiyada, Interlogga, bulukeetiga iyo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen Qorshaha magaalada (Master Plan).

“Waxaa maanta Muqdisho nagu soo booqday Injineero iyo khubaro ka socday Turkiga, ujeedkuna waxuu yahay in laga wada shaqeeyo horumarinta Caasimadda, gaar ahaan fulinta mashaariic horumrineed iyo in dib loo howlgeliyo xarunta Gaadiidka Gobolka Banaadir oo muddooyinkaan aan shaqeyn, sidoo kale waxaan isla garanay in warshadda sameysa laamiyada, Interlogga iyo Bulakeetiga oo dhammaantood muhiim u ah dib u soo kabasha Caasimadda.”Ayuu yiri Eng. Yarisow.

Duqa Muqdisho iyo khubarada ka socotay Turkiga ayaa isla qiray baahida loo qabo in mashaariic horumarineed Caasimadda laga hirgeliyo sida dhismaha wadooyinka, guryaha iyo mashaariico kale oo shaqo abuur u noqoneya dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...