Shir looga hadlayo Xoojinta Howlgalada ka dhanka ah Maleeshiyada Al Shabaab oo Maalintii Labaad ka socda Kismaayo

Date:

Muqdisho (SNTV)- Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowlad Gobaleedka Jubbaland uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, Kuwa AMISOM iyo Xubno ka socda Beesha caalamka ayaa diirada lagu saarayaa Howlgalada ka soconaya deegaanada Gobalka Jubbada hoose gaar ahaan deegaanada Gosha oo ay howlgalo xoogan ka wadaan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland oo aysan la socon AMISOM.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa inta uu shirka socday Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ku amaanay howlgalada guulaha badan laga gaaray oo ay ka wadaan Gobalka Jubbada hoose gaar ahaan deegaanka Baarsan-guuni oo dhawaan ay ka saareen Maleeshiyada jid iyo jihadiidka ee Al shabaab, wuxuuna Ciidamada AMISOM ugu baaqay inay ku biiraan Howlgaladaasi si loo adkeeyo Nabad gelyada loogana saaro Nabad diidka ku dhuumaaleysanaya deegaanada qaar.

Shirka oo lagu wado in maanta lasoo gaba gabeeyo ayaa waxaa laga soo saari doonaa Warmurtiyeed ku aadan sida loo sii dardar galin karo Howlgalada socda iyo sida Ciidamada AMISOM ay ugu biiri karaan.

Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Juubaland ay Maleeshiyada Al shabaab ka saareen Tuulooyinka  Wurkooy, Baarsan-guuni iyo Singaleer, iyadoona haatan la filayo in ciidamada ay gaaraan deegaanka Kamsuuma oo katirsan Degamada Jamaame ee Gobalka Jubbada hoose.

Ciidamadda Xoogga iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ayaa guud ahaan dalka ka wada Howlgalo lagu baacsanayo Maleeshiyada Al shabaab oo laga burburiyay Saldhigyo dhowr ah oo ay kasoo abaabuli jireen weeraro iyo qaraxyo ay ku dhibaateeyaan shacabka, waxaana balanqaaday inay naftooda u huri doonaan Shacabka Ciidamada geesiyada dalka ee sooma jeestayaasha ah oo nabad diidka baxsadka ka raadinaya meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...