Ra’iisul Wasaare Khayre oo Oslo Kula Kulmay Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Date:

Oslo, June 19, 2018 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway kulan kula yeeshay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres oo ay ka wada hadleen arrima badan oo khuseeya Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa António Guterres uga warbixiyay guulihii ay Dawladda Soomaaliya gaartay, waxuuna sidoo kale kala hadlay arrimo la xiriira nabad gelyada iyo siyaasadda qaranka, Dhaqaalaha iyo sidii loo sii joogteyn lahaa taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa codsaday in Qaramada Midoobay ay taageero buuxda la siiyo Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay ugu guuleysato in ay ku guuleysato Qorshaha Horumarinta dalka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterre ayaa bogaadiyey guulaha la taaban karo ee ay gaartay Dawladda Soomaaliya, waxuuna sheegay in Qaramada Midoobey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale kulan la qaatay agaasimaha Xarunta Wadatashiga arrimaha Aadamiga David Harland, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid tahay xaaladda Bini’aadaninimo ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, la filayaa in sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la yeesho madaxda kale oo u yimid Norway ka qeyb galka Madasha Oslo.

—DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Daa’uud Aweys” Xukuumadda DanQaran waxay ahmiyad gaar siisay horumarinta Dalxiiska Dalka”

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Daa’uud Aweys...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo la kulmay Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka...

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...