Ra’iisul Wasaare Khayre, Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Norway oo Wadajir u Furay Shirka Madasha Oslo

Date:

Oslo, June 19, 2018—-.. Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa si wadajir ah uga furay magaalada Oslo Shirka Madasha Oslo oo looga hadlayo dejinta Xasaradaha caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khare oo kulanka khudbad ka jeediay ayaa aad ugu nuux-nuuxdsay sida ay muhiim u tahay in xasaradaha la dejiyo oo nabad loogu wada noolaado dunida oo dhan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Xog-haya guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Wasiirka arrimaha dibadda Norway Ine Marie Eriksen Søreide, ayaa inta uusan shirku furmin waxa ay si warbaahinta kula hadleen afaafka hore ee xarunta uu shirku ka socdo, iyada oo Ra’iisul Wasaare Khaye uu uga mahadceliyay dawladda Nowray casuumaadda shirkaan muhiimka ah.

António Guterres iyo Ine Marie Eriksen Søreide ayaa ku ammaanay Dawladda Soomaaliya shaqada wanaagsan ee ay hayso iyo sidoo kale barnaamijka xukuumadda ee ku dhisan isla xisaabtanka, daah-furnaanta iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah la yeelan doonaa qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb gashay Madasha Oslo ee dalka Norway.

—-DHAMMAAD—-

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Komoros

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar...

Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya...

Wasiir Fiqi oo ka qeyb-galay  munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha cusub ee EUTM    

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Masuuliyiin bogaadiyeen Ololaha Is-diiwaangalinta doorashooyinka oo ka socda Muqdisho 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali...