Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-date-query.php on line 516

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway | Somali National Television - sntv.so

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block.php on line 257

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Deprecated: Using null as an array offset is deprecated, use an empty string instead in /home/sntv/public_html/wp-includes/class-wp-block-type-registry.php on line 168

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Norway

Date:

Oslo(SNTV):— Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wasiirka arimaha dibadda Norway, Ine Marie Eriksen Søreide ayaa kulan ku qaatay magaalada Oslo, waxa ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, ka wada shaqaynta arrimaha amniga, kobaca dhaqaalaha iyo horumarka guud.

Wasiirka Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo xubno ka socda Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka uu la qaatay wasiirka arimaha dibadda dalka Norway, Ine Marie Eriksen Søreide.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa wasiirka warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka siiyay xaaladda Dalka iyo qorshaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan horumarinta dalka.

Wasiirka arrimaha dibadda Norway ayaa bogaadisay horumarka ballaaran ee dalka Soomaaliya uu ku tilaabsanayo, waxa ayna ka dhawaajisay in ay xukuumadda Oslo ay sii joogteyn doonto taageerada iyo garab istaagga shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray Norway ayaa maalinta berri ah ka qeyb gelaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Oslo kaas oo socan doona mudda laba maalin ah ayna kasoo qeyb gelayaan madax ka socota caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Sarkaal Boolis ah oo ka badbaaday weerar hubeysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya: – Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed...

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...