Duqa Muqdisho oo Dawladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada walaaltino ee siiso ummadda Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho(SNTV) Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa uga mahadceliyey Dawladda iyo shacabka dalka Turkiga taageerada walaaltino ee mar walba ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, gaar ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliyaan Caasimadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa tilmaamay in guud ahaan dadka Soomaaliyeed ay qirayaan doorka weyn ee Turkigu ka qaatey dib-u-soo kabashada dalka, waxaana uu xusay in kaalinta Turkiga ee Soomaaliya wax weyn ka bedashay xaaladda dalka, gaar ahaan waqtigii adkaa ee indhaha caalamka ay Soomaaliya kusoo jeedisay booqashadii Ra’iisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ee August 19, 2011.

“Waxaan ugu mahadcelineynaa Dawlada Turkiga iyo shacabkeeda garab istaaggii ay inoo muujiyeen xiliyadii adkaa ee nasoo maray iyo mashaariicyadii ay ka fuliyeen Caasimadda Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan waxaan si gaar ah ugu ammaaneynaa garab istaagga xili muhiim ahaa iyo sidii ay indhaha caalamka noogu soo jeedisay booqashadii August 19, 2011 .”Ayuu yiri Duqa Muqdisho oo ka hadlayay Munaasabad lagu taageerayay Dawladda Turkiga ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha dalkaas Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Mudane Eng. Yarisow ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka Soomaaliyeed abaalka Turkiga marna ilaawi doonin, ugana mahad-celinayaan taageerada iyo waxqabadka muuqda ee suurageliyey in waddankeena uu tallaabo horey u qaado, isla markaana xajmiga taageerada ay bixiyeen la barbardhigi karin inta ay ina siiyaan waddamada kale.

Ugu danbeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan oo dhinac taagnaa Safiirka dalkaas u fadhiya Soomaaliya Danjire Olgan Bekar ayaa caddeeyey in xiriirka labada dal ka dhexeeya uu tusaale cad u yahay taageerada aan shuruuddu ku xirnayn, shacabka Muqdisho ku dhaqanna ay si weyn uga dharagsan yihiin gacan siinta walaaltinimo ee Turkiya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...