Hirshabeelle oo soo dhoweeysay heshiiskii Soomaaliya iyo Itoobiya

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Madaxweynaha maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa soo dhoweeyay heshiiskii Taariikhiga ahaa ee ay 16-kii Bishan wada gaadheen Dowladaha Soomaaliyea iyo Itoobiya.

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay ka maamul Goboleed ahaa ugu jirto faa’iido weyn oo dhanka maal gashiga ah.

“Annagu Hirshabeelle haddaan nahay xuduud baan ku naallaa, aad baanu usoo dhaweynaynaa in la furo Kastanka Feerfeer, in meeshaasi ay tahay meel laga ganacsada oo intay xero Millieri ku oolli lahayd, waxaa ka habboon in Kastan ku yaal in Immigration ku yaal ayaa fiican, ayuu yidhi mudane Waare.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay inay fursan weyn u tahay Dadka ku dhaqan Hirshabeelle in la dhiso waddooyinka isku xira Itoobiya iyo Hirshabeelle, lana dhiso Dekedaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwa Hirshabeelle, halkaasoo ay Shacab badani shaqa ka helayaan.

Waare ayaa sidoo kale sheegay inay ku han weyn yihiin ka Hirshabeelle ahaan in qorshaha Dekedaha la dhisayo lagu daro tan Cadale, si degaannada maamulkaasi uu u heli Khad Internet jaban, Koronto iyo adeegyo kale oo muhiim u ah Bulshada Geeska Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...