Wasiirka Warfaafinta oo faah faahiyay heshiiskii Soomaaliya iyo Ethiopia (SAWIRRO)

Date:

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Daahir Maxmauud Geelle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka warbixiyay qorshaha guud ee heshiiska labada dowladood ay kala saxiixdeen socdaalkii Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia kaddib, kaasi oo salka ku hayay iskaashiga dhinacyada ammaanka, dhaqaalaha iyo horumarinta waxyaabaha aas aasiga u ah labada dowladood.

Wasiirka oo ka hadlayay socdaalka wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia uu ku yimid Muqdisho ayaa sheegay inay ahayd casuumaad uu u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu kulamo gooni gooni ah la qaatay Madaxda kaasi oo looga hadlay in la xoojiyo xagga amniga oo iskaashiga laga yeesho, in xagga diblomaasiyadda tallaabooyin dheeraad ah la qaado, isla markaana qunsuliyado laga furo magaalooyinka labada dal, si qofkasta loogu fududeeyo isu socodka labada dal.

Mudane Daahir Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in arrinta ugu muhiimsan ay qeyb ka ahayd horumarinta dhaqaalaha oo maalgeshi laga sameysanayo labada dal,

“Dadka Soomaaliga ah waa dad fir fircoon  oo sameynaya kobac dhaqaale oo bariga Afrika ganacsiyo badan ku leh, lana siiyo fursado ay ku maalgashan karaan dalalka dariska ah, waxaana la isku afgartay in la sameeyo Dekado oo maalgeshi loo raadiyo, iyadoo loo marayo shirkadaha waa weyn iyo dowladaha ay iyagu maalgashan karaan, dekadaha waxaa bar bar socda jidad waa weyn oo laga hirgeliyo dekadaha, si badeecadaha lagu marsiiyo meelaha loogu talagalay.” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka, iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in dadlku ay is weydiinayaan sida looga gudbi karo coalad sooyaala ah,  waxaana uu Wasiirku hoosta ka xariiqay in heshiiska la galay uu macno weyn ugu fadhiyo shacabka labada dal, isla markaana ah wadiiqo looga gudbi karo wixii horey u dhacay.

Wasiirku waxa uu shaaca ka qaaday in Webiyada dalka ay biyaha nooga yimaadaan dhanka Ethiopia, inkasta oo ay jirto qawaaniin caalami ah, waxaana jiri doono guddiyo isku dhaf ah oo labada dhinac ah, kuwaasi oo ka shaqeyndoono hanaankii loo dhaqan gelin lahaa, lana horgeyn doono Baarlamaanka, isagoo xusay in tani ay tahay marxalad cusub oo labada dal u bilowday.

Wasiir Daahir Geelle ayaa xusay in Wasaaraddu ay gacan ka siin doonto suxufiyiinta waxkasta oo ay u baahanyihiin oo ay Wasaaraddu u fududeyn karto, isagoo xusay in Wasaaradda Warfaafinta ay ilaalineyso xoriyadda Saxaafadda.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley ciyaarta...

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixda dhiggiisa  Sacuudiga 

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir...

Madaxweynaha JFS oo hambalyo u diray Dagmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir 

Muqdisho, Nofeembar 06, 2025: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac...