Mahad Cabdalla Cawad oo koormeeray Xarunta Golaha shacabka

Date:

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ugu horeyn koormeeray xarunta golaha shacabka oo howlo dib u dayactir ah ay ka socdaan, sidoo kalena xafiisyada qaar iyo wejiga hore ee dhismaha xarunta lagu sameynayo dayactir iyo qurxin.

“Waxaa maanta sharaf noo ah in aan manta koormeer balaaran ku soo sameyno xarumaha golaha shacabka oo aan ka soo bilowno xarunta weyn ee golaha shacabka, kuna soo gabagabeyno xarunta Villa Hargeysa oo ah xarunta guddoonka iyo guddiyada” ayuu yiri guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa intii uu koormeerka waday la kulmay Injineerada iyo shaqaalaha ka shaqeynaya howlaha dayactirka iyo dhismaha.

“waxaan xog wareystay Injineerada dhisaya xarunta Villa Hargeysa oo si kmg ah golaha ugu shaqeyn doono, waxan ay ii sheegeen in howshu ay si wanaagsan ku socoto, talooyin ayaa ku darsaday howsha ay wadaan maadaama aan rabno in xarunta ay la mid noqoto kuwa baarlamaanada caalamka ay yihiin” ayuu mar kale yiri guddoomiye Mahad.

Ugu dambeyn guddoomiye Mahad ayaa la kulmay qaar ka mid ah ciidamada amaanka ee golaha iyo agaasimayaasha oo uu ka xog wareystay xaaladaha ay ku sugan yihiin.

“Intii aan koormeerka waday waxa la kulmay ciidamada iyo agaasimayaasha qaar, waxay ii xaqiijiyeen iney heleen bishii la soo dhaafay mushaaraadkooda mida hada socotana ay heli doonaan arrintaas aad ayay noo farxad gelisay waxana ugu mahad celineynaa howshaas wasaarada Maaliyadda” ayuu ugu dambeyn yiri guddoomiye ku xigeenka labaad ee golahashacabka.

Koormeerka guddoomiyaha waxaa ku wehlinaayay Habdhowraha guud ee golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “ Nuux “.

Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maalintii uu xilka la wareegay ka dib amray in dayactir iyo qurxin balaaran lagu bilaabo xarunta weyn ee golaha shacabka inta laga gaarayo howsha dhismaha ee xaruntaasi oo guud ahaan la qorsheynayo in si casri ah loo dhiso, shirarka golahana loo soo wareejiyo xarunta uu hada dhismaha cusub ka socdo ee Villa Hargeysa oo si kmg ah loogu sii shaqeyn doono.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo magacawday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS...

Madaxweynaha JFS oo kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika

Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Ruushka oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweynaha Belarus

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, ahna...