Madaxweynaha iyo ku xigeenka Hirshabelle oo Ciidamo dhaawac ah Ku booqday isbitaal Madiina

Date:

Muqdisho(SNTV) Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshaelle Maxamed Cabdi Waare,Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed, iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowladda, ayaa  si wadajir ah ugu booqday isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho ciidamo ku soo dhaawacmay gobolka Hiiraan, kuwaasi oo isuga jira Ciidamada Dowladda iyo Dhalinyarada iskood isku abaabulay la dagaalanka Argagaxisada ee loo yaqaano Macawiisleyda.

Madaxda Hirshabelle ayaa mid mid u booqday bukaanadan waxaana ay gaarsiiyeen lacago deeq ah oo ay ugu talogaleen bukaanada iyadoo bukaanadan ay yihiin ciidamo ku soo dhaawacmay dagaal ka dhacay dhowaan deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Hadal gaaban oo ay madaxdan jeediyeen booqashadooda kadib ayaa waxa ay si wadajir ah ugaga tacsiyeeyeen ciidamadii ku dhintey dagaalkii ka dhacay Moqokori, waxayna sidoo kale eebee ugaga baryeeyeen bukaanada dhaawacyada inay caafimaad deg-deg ah helaan.

“Ciidamadii ku dhintey dagaalada Hirshabelle waa shahiid kuwa dhaawaca ah xanuunka ayaan la qeybsanaynaa wixii uu maamulka qaban karana waxba ka hagran maayo.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadlay ayaa sheegay in dadka dhaawaca ah ay ku dadaali doonaan sidii wax loogu qaban lahaa.

“Waxaan diyaar u nahay in aan wax walba u sameyno ciidamadeena ku dhaawacmay daafaca dalka haddii ay jiraan qaar u baahan in dibadda loo qaadana waxaan kala kaashan doonaa dowlada Federalka.”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Ehelada bukaanada ku jira isbitaalka ee ay maanta madaxda ugu sareysa dowlad goboleedka Hirshabelle booqashada ugu tageen ayaa u mahadceliyay madaxda waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin in maamulka Hirshabelle uu marwalba u taagan yahay sidii uu ula socon lahaa ciidamada ku soo dhaawacma dagaalada lagula jiro Alshabaab.

Booqashada isbitaalka ay maanta ku tageen madaxda ugu sareysa Hirshabelle ayaa waxaa kamid ah wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Cali Caadle iyo wasiiro kale oo ka mid ah golaha wasiirada Hirshabelle.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka warbixiyay Jabkii lagu gaarsiiyay Khawaarijta Ceeldheer

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo Ruushka kaga qeyb-galay shir la xariiro dhaqanka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka Iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaiya,...

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ku baaqay in tallaabo laga qaado Israel

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo ay xilligaan taladiisa hayaan...

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...