Khudbadda Farmaajo “Fadlan ii ogolow in aan halkan uga mahad celiyo ciidamadiina milatariga ee la shaqeeya AMISOM”

Date:

Muqdisho(SNTV):– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hadal jeedintiisii maanta ee shirkii sharaa’id ay sida wadajirka ah u qabteen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa sidan ku bilowday:-

Fadlan ii ogolow in aan halkan uga mahad celiyo ciidamadiina milatariga ee la shaqeeya AMISOM sidii hagar la’aanta ahayd ee ay ugu horeen dagaalka la gula jiro kooxaha argagixisada ee khatar ku ah jiritaanka dowladnimada Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Xukuumadaydu waxay ka tarjumaysaa sidii ay dib u habayn horumarineed ugu samaysay dhinacyada amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta arimaha bulshada, taas oo dib u soo noolaynaysa nasiib wanaaga dalkeena. Inkastoo ay jiraan caqabado haysto maamulkayga hadana waxaan go’aansanay in aan si buuxda u isticmaalo fursad kasta oo la taaban karo si aan u sii wadno in Soomaaliya ay horay ugu sii socoto, mana jiri doono dib u dhac iyo wax na dhibaateeyo.

Waa inaan sii wadnaa iskaashiga iyo wadajirka si aan oga shaqeyno in aan ku guulaysano burburinta xuduudaha gobolka, la dagaalanka argagixisada iyo amni darada, iyo in aan helno waqti aan ku samayno isbedelka xaga dhaqaalaha ah iyo barwaaqaynta dalalkeena iyo guud ahaan gobolka.

Sidii aan ku wada hadalnay maanta Xukuumadaydu waa ay ka go’an tahay in ay horumariso iskaashi dhaqaale oo xoogan oo u dhexeeya labada dal.
Waxaana ku baaqayaa fulinta iskaashi dhaqaale oo buuxa oo ay yeeshaan labada dal si loo abuuro buu yiri Madaxwayne Farmaajo kobocin dhaqaale, iyo kor u qaadida maalgashiga iyada oo loo marayo horumarinta dhismaha sida dekadaha, wadooyinka, tamarta iyo ganacsiga.

Mudane Ra’isal wasaare ma jirto wadan ka mudan oo kaga fiican doorka ay dowladaada ka jirto sidii loo dejin lahaa dalkeena si looga faa’iidaysto nabada iyo xasiloonida Soomaaliya, itoobiya ma ahan oo kaliya in ay faa’iidada ku qabto xuduudka dheer ee aan wadaagno, balse waxaa naga dhaxeeyo waxyaabo fara badan oo wanaagsan sida qowmiyadaha, dhaqanka, bulshada, dhaqaalaha, nabadgelyada iyo siyaasadda oo aan soo wadaagnay qarniyo badan.

Waxaa jira baahi loo qabo hogaan aragti fog leh oo ka dhex jira labada dal, si loo xoojiyo isku xirnaanteena horey u jirtey ee danaha dadkeena ee labada dal.
Anigoo tixraacaya arintaa, waxa aan jeclaan lahaa in aan soo dhaweeyo siyaasadda cusub ee xukuumada Itoobiya, taas oo xoojinaysa siyaasadihii hore ee hada jira ee ku lug leh hawl gelinta xukuumadda federaalka, iyada oo ay dowlada raacayso labada siyaasadba.

Ugu dambeyntiina, waxaan jeclaan lahaa in aan si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyo la kulanka hogaamiyaha ugu da ‘yar ee gobolkayaga, Waxaan kugu amaanayaa waddada isbeddelka ah ee aad qaadatay oo aad kor ugu qaadeyso taageero kasta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

War-Saxaafadeed Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqasho Ku tegay Magaalada Xuddur

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Bangiga dhexe oo xoojinaya shuruudaha Akoon furashada

Bangiga dhexe ee Soomaaliya isaga oo la kaashanaya hay’adda...