Madaxweyne Farmaajo oo Booqday Xarumo Caafimaad, Qalabna Gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.

Date:

Muqdisho, 15ka Juun 2018:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kormeeray Isbitaallada Xoogga Dalka, Madiina iyo Rajab Dayib Erdogaan ayaa sheegay in dowladdu ay kaalin mug siineyso horumarinta iyo dib-u-habeynta goobaha iyo adeegyada caafimaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha oo warbixinno ka dhageystay Agaasimeyaasha iyo dhakhaatiirta Isbitaallada uu booqday ayaa qalab caafimaad oo loogu tala galay gargaarka deg-degga ah iyo agabka wax lagu baaro waxa uu gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku guda jiray kormeerkan waxa uu dul istaagay xaaladaha bukaannada iyo dhawaacayada ka tirsan ciidamada qalabka sida iyo shacabka lagu dabiibayo Isbitaallada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliiska Soomaaliyeed.

“Dhaawacyadani waxa ay idin soo gaareen idinka oo difaacaya qarankeenna, dadnimadeenna iyo sharafteenna, waana arrin ay idiin ogsoon yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo dowladduba. Sidaas darteed, waxaan idiin xaqiijinaya in aan markasta dadaal ugu jirno daryeelkiinna caafimaad.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo askar dhaawac ah kula hadlay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha qalliinka, raajada, bukaan-jiifka iyo kaydka ee Isbitaallada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Madiina iyo Rajab Dayib Erdogaan, isagoona sidoo kale dul istaagay qeyb cusub oo dhawaan loo dhameystiray Isbitaalka Xoogga Dalka oo ay u idil yihiin agabyada qalliinka, bukaan-jiifka iyo daaweynta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey dhakhaatiirtii uu kula kulmay Isbitaallada uu kormeerka ku tagay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, isagoona kula dardaarmay in ay sii dardargeliyaan daryeelka caafimaad ee ay u fidiyaan bukaannada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Serbia

Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...