Wasiirka Qorsheynta XFS oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Dowlada Sweden

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulan ujeedkiisa ahaa iskaashi dhinaca Tirakoobka la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’addaha Tirakoobka (Statistics) Dalka Sweden oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Dowladdaha Soomaaliya iyo Sweden ayaa iskaashanaya dhinacyada Horumarinta ee ku aadan soo saarida xog sax ah oo dhameystiran kuna saabsan dhaqaalaha, tirakoobka dadka iyo isbedelada maciishadda Wadanka.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa faafaahin ka bixiyay kulanka iyo waxyaabaha ugu waa weyn oo ay isla meel dhigeen Agaasimaha.

“Kulanka waxaan diirada ku saarnay xiriirka soo jireenka ee Soomaaliya iyo Sweden iyo inaan xoojino Mashaariicda ay wada qabanayaan labada dowladood iyadoo la xoojinayo dhisida waaxda Tirakoobka, sidoo kale waxaan isla fiirinay Mashaariic iyo tabbaro badan ay wadaan si aan wax badan u qabano, waxaan rajeyneynaa inaan sii wadi doono qeybta Labaad ee Mashruuca oo bilaabaneysa Bisha Janaayo ee sanadka soo socda”.ayuu yiri Wasiirka

Wasiir Jamaal ayaa sidoo kale tilmaamay in Dowladda Soomaaliya  ay wado dadaalo ay ku dooneyso in lasoo saaro xogta dhabta ah ee ku aadan korarka Dhaqaalaha iyo la socodkiisa halka uu marayo

“Sidoo kale waxaan ka hadalnay sidii loo qiimeyn lahaa Waxyaabaha Maciishada, Sicir bararka iyo Arrimaha nolosha si joogto ah maalin kasta u saameeya, Dhaqaalaha dalka heerka uu marayo iyo faqriga taagan ayaan rabnaa inaan tirakoob sax ah ka sameyno, waxyaabo badan oo been abuur ah ayaa dalka laga qoraa”.ayuu yiri Wasiirka Qorsheynta.

Agaasimaha Guud Hay’addaha Statatics eecDowladda Sweden Joakim Stymne ayaa sheegay in wada hadalka uu quseeyay iskaashiga labada dowladood,waxa uu intaa ku daray in Dowladda Soomaliya ay horumarineyso dhinaca xogaha Qaranka.

“Wada hadalada aan yeelanay waxay quseeyaan wada shaqeynta u dhaxeysa Sweden iyo Soomaaliya, Hormarada laga sameeyay Tirakoobka waxaan u maleyneynayaa inay tahay talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday isla markaana dowlada Soomaaliya ay ku dhiseyso Hay’addaheeda ka dib sanado badan oo waqtiyo adag ah, Dowlada Soomaaliya way ka go’an tahay inay arinkan hormarso”.ayuu yiri Agaasimaha

Sadaxdii sano ee la soo dhaafay waxaa ay dowladda Sweden tababaro joogta ah siineysay shaqaalaha ku howlahan Arrinta Xogaha si aqoontooda kor loogu qaado, sidoo kale waxay balanqaaday in Tababaro gaaraya 28 oo heer caalami ah ay u sameyn doonto.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...