Mid ka mid ah Dugsiyda waxbarashada ee Soomaalida Sweden oo ku guuleystay kaalinta koowaad

Date:

Stockholm-(SNTV)-Dugsiga hoose dhexe ee Kista International School oo ay maamulaan  aqoonyahanno ku bahoobay ururka waxbarashada ee Alkowneyn ayaa Sanadkan kaalinta koowaad ka galay Dugisiga ugu wanaagsan ee heerka waxbaridda ubadka, ka dib markii daraasd lagu sameeyay in ka badan Kun Dugsi oo ku yaalla Dalkan Sweweden.

Warbixintan ayaa lagu soo bandhigay xeritaanka Sanad Dugsiyeedka  2017/2018 iyo sagootinta Ardayda ka aflaxday Fasalka Sagaalaadka ee u gudbeysa Dugsiga sare, waxaana munaasabadan oo si qurux badan loo soo agaasimay  abaalmarinno kala duwan lagu guddoonsiiyey qaar ka mid ah waaliddiinta firfircoon iyo Ardadayda heerarkooda kala duwan.

Sheekh Daahir Jeyte oo kamid ah maamulka iskuulkaasi ayaa faah faahin ka bixiyay guulaha Iskuulkaasi uu gaaray iyo qiimeynta dowladda Swedan ay ku sameysay iskuulaadka waxbarasho ee kuyaala dalkaasi.

“Marka hore ilaahay ayaa mahadda iska leh,marka xigtana shaqalaah ka shaqeeya ayaan u mahadcelinayaa oo guushaasi qeyb ka qaatay,kadib juhdigii la geliyay,hanoqoto waalidiinta Caruurta,macalimiinta dhamaantooda,sababtoo ah iskuulkaana waxaa la aas aasey 2010,raacii dhexe ee 2015-2016 waxaan galnay kaalinta 4-aad wadanka oo
dhan,sanadkaan ilaahay mahaddiisa waxaan soo galnay kaalinta koowaad,487 iskuul ayaan kaalinta koowaad kaga jirnaa,taasi waxay ku
timid ilaahay oo inoo fududeeyay iyo juhdigii aan bixinay,waxaana kamid ah caawinaada caruurta,gaar ahaan meel ka baxsan iskuulka marka ay joogaan”.ayuu yiri Sheekh Daahir.

Dhammaan ka qayb galayaasha Xafladdan lagu sagootinayay Ardaydan ka gudubtay Dugsiga dhexe iyo Waaliddiintii halkaasi ku sugnayn ayaa si weyn ula dhacday habka Wax barista dhallaanka oo isugu jira Soomaali iyo Swedesh, waxanay ballan qaadeen inay kalsoonida ay ku qabaan sii Laba laabi doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...

Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran...

Taliyaha Booliiska oo xariga ka jaray Dugsiga Qur’aanka ee Carruurta Agoonta

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...