In kabadan 60 saraakiil Soomaali ah oo Tababar ugu soo geba-geboobay Dalka Turkiga

Date:

Turkey(SNTV)- Dowladda Turkiga ayaa wadankeeda tababar ugu soo geba gebeysay saraakiil iyo saraakiil xigeen oo Soomaali ah,kuwaasi oo in muddo ah dalkaasi Turkiga ku baranayaya casharo la xiriira heerarka iyo sharciyada kala duwan ee ciidamadu ay leeyihiin.

Tababarkani oo in muddo ah socday ayaa waxaa loo qabtay in kabadan 60 qof oo isugu jira saraakiil iyo saraakiil xigeeno oo Soomaali ah,waxaana ay tababarada la qaateen askar ka socotay Gaashaanbuurta NATO iyo kuwo kale oo ka kala socoda Afrika iyo Qaaradda Assia.

Gaashanle Maxamed Tahliil Maxamed oo kamid ah saraakiisha tababarka ku soo qaatay Dalkaasi Turkiga ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay barteen iyo sida ay ugu faraxsan yihiin.

“Waxaa nahay 63 oo saraakiil iyo saraakiil xigeeno ah,waxaan baranay Fakaltiyo kala duwan oo ciidanka Xooga Dalka ah,waxaan ku faraxsanahay in aan tababar la qaadanay ilaa 36 Dowladooda askartooda,kuwaasi oo ka kala socda NATO,Afrika iyo Assia intaba ka socda,aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta qalinjebino,waxaan aad u soo dhaweynaynaa oo aan ku faraxsanahay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ay halkani munaasabadda nagala soo qeybgalaan, mahad ballaaran ayaan u celinaynaa dowladda Turkiga oo walaalaha nahay sida ay inoo garab taagan tahay”. Ayuu yiri Gaashaanle Tahliil.

Dalka Turkiga ayaa kamid ah wadamada sida weyn u taageera Soomaaliya,gaar ahaan dhinacyada dib u dhiska iyo qalabaynta ciidamada,iyadoo askar badan tababarro ay ku soo qaateen dalkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS oo la kulmay Madaxweynaha dalka Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la yeeshay Xoghayaha Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Jarmalka

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye...

Danjire Ilyas Cali Xasan oo loogu soo dhoweeyay Magaalada Lubumbashi ee Dalka Kongo DRC 

Lubumbashi, Kongo DRC, Oktoobar 23, 2025 – Wafdi uu...