Boosaaso oo loo diiwaan geliyay degmadii 2-aad ee ku hartay wareegga 3-aad ee tartanka

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wareegga 4-aad qeybtiisa 2-aad waxaa ku wada ballansanaa in ay ku tartamaan degmooyinka Boosaaso iyo Hodan oo ka kala tirsan goballada Bari iyo Benaadir.

Tartameyaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal,  ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Boosaaso ay heleen waxa ay noqotay 2-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3-  su’aal,  waxa ay ka faa’iideysteen 2- su’aal oo soo hareer martay Boosaaso, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Hodan waxay noqotay 10- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga afaraad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Boosaaso ay ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 3-aad.

Tartanka ay tabineyso warbaahinta Qaranka isla markaana uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir waxaa habeen dambe foodda is dari doono degmooyinka Warta Nabadda &  Jilib oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Jubbada dhexe.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay socdaalka wasiirka arrimaha dibadda Isreal ee Hargeysa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ballaaran oo...

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer...

Madaxwaynaha Qaranka oo guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo arrimo muhiim ah looga hadlay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...