Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafti uu hogaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyay Jabuuti

Date:

Jabuuti(SNTV):-  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xsan Cali Khyre iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa caawa gaaray magaaladda Jabuuti ee D-Jabuuti, waxaana goroonka diyaaradaha ee dalkaas ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaaraha Jabuuti iyo qaar ka mid mas’uuliyiinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ay la socdeen wafti ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawada Wasiirka Boostadda iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo mus’uuliyiin kale oo ka tirsan dawladda, ayaa la qorsheeyaa in booqasho labo cisho ah ay ku joogaan magaaladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa maalinta berri ah kulan la qaadan doona Madaxwayanaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geele, waxayna ka wada hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa xariirka wadshaqeynayd ee labada dal iyo habka ugu wanaagsan ee loo dar-dargalin karo howlaha horumarineed ee ay dawladda Jabuuti ka wado gudaha Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...