Qaraxyo khasaaro geystay oo Baqdaad ka dhacay

Date:

Qaraxyo Bombaano oo ka dhacay magaalo madaxda Ciraaq ee Baqdaad ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen 38-qof, Islamarkaana tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Boliiska dalka Ciraaq ayaa sheegay in qaraxyada lala eegtay xaafad ay dadka Shiicada waqtiyo isku dhow.

Qaraxyadani oo la sheegay in ay haayeen kuwa meelo kala gedisan lagu bartilmaameedsaday ayaa waxaa lala beegsaday suuq mashquul badan iyo goob saldhig ah oo laga raaco gawaarida.

Qaraxyada ka dhaca Ciraaq ayaa gaaray heerkii ugu xumaa mudo shan sano ah.

Qaraxyada ka dhaca gudaha dalka Ciraaq ayaa waxaa ku nafwaayay dad lagu qiyaasay illaa boqol qof marka laysu wada geeyo tirada dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarada qaraxyada mudada 30-ka maalmood ah.

Weeraradan ayaa lala beegsaday dadka Shiicada iyo Sunniga laga tirada badan yahay ee kudhaqan gudaha dalka Ciraaq, waxaana ay taasi dhalisay cabsi weyn laga qabo in markale ay dalkaasi ka ka billaabmaan dagaalada ku laeysan xagga Ma-habta.

 

 

 

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Tamarta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lahusoo dhaweeyay Dhuusamareeb. 

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha...

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...