IOM oo ka hadashay khasaaraha dhimashada doon ku degtay xeebaha Yemen

Date:

Doontan ayaa waxaa saarnaa dad lagu qiyaasay 100 qof oo Tahriibayaal ah, doonta ayaa lagu soo waramayaa in safarka gashay 5-tii bishan May, sida lagu sheegay warbixinta la xiriirta xaaladda doonidan oo ay soo saartay hay’adda IOM.

Qoraal kasoo baxay IOM ayaa lagu sheegay in ka badan 16 qof oo la socday doonta weli la la’yahay, arintani oo soo shaac baxday markii ay IOM wareysatay dadkii ka badbaaday doonida qalibantay.

Shilkani ayaa dhacay kadib markii ugu yaraan 100 muhaajiriin Itoobiyaan, oo ka kooban 83-rag ah 17-haween  ah, Doonta ayaa ka tagtay dekadda Bosaso maalintii talaadada ee lasoo dhaafay.

Doonta safarka gashay xilli habeen ah biyaha gacanka Cadan habeenimadii talaadada ahayd waxaana ay ku dhawaatay xeeb qoriga saacadihii hore ee maalintii Arbacadii ee lasoo dhaafay.

Dadkii ka badbaaday ayaa sheegay in dadka saarnaa doonta aysan haysan jaakadaha dabaasha taasina ay keentay in ay ka argagxaan mowjadaha garaacayay doonta oo xiligaasi usoo dhowaanaysay xeebta. Kadib doonta waxaa gudaha u galay biyo, taasi oo keentay in muhaajiriinta ay ku haftaan badda. Sida ay sheegtay hay’adda IOM.

Yemen waa meel istaraatiji u ah socdaalka bariga dhexe iyadoo kumanaano kun oo qof ay ku dhintaan iyagoo isku dayaya in ka gudbaan iyagoo maraya Gacanka Cadan.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in bil kasta ku siman 7,000 oo muhaajiriin ah ayaa safaro dhinaca badda ah ku mara biyaha Yemen si ay uga sii gudbaan wadamada Bariga dhexe, halka in kusiman 100,000 oo qof ay mareen safarkan sanadkii 2017-dii.

Dalka Yemen ayaa ah dal aanan daganayn waxaana dagaalada ka socda ee udhexeeya Xuutiyiinta iyo Isbahaysiga taageeraya dowladda Caalamku aqoonsan yahay, iyadoo dagaaladaasi ay sababeen dhimashada dad badan oo doonayay in ay si tahriib ah uga gudbaan xeebaha Koonfurta Yemen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...