Wasiirka cusub ee Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo Xilkiisa la wareegay

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xamsa Saciid Xamsa ayaa maanta la wareegay xilkiisa, ka dib munaasabad ay goobjoog ahaayeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo Masuuliyiin kale.

Siiyaha Wasiirkii Gargaarka ahaana Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda Cilmi Cumar Caynsane ayaa sheegay in mudadii ay jirtay Wasaaradda ay ku talaabsatay hormaro badan, waxyaabo badan ay u qabsoomeen, wuxuuna xaqiijiyay in Wasaaradda hada ay himilooyin wanaagsan ay u muuqdan.

Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Cabdirashiid Maxamuud ayaa balanqaaday inay si wanaagsan ugu shaqeyn doonaan shacabka Soomaaliyeed isbedelo guul ah ay la imaan doonaan.

Mudane Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gargaarka ayaa xaqiijiyay in ay hortaalo talaabooyin waa weyn oo wax ka qabasho u baahan iyo sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaatada ay haysato ku sugan qeybaha kala duwan ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Masuulayiinta cusub ay ka rajeynayaan in wax weyn ay ka taraan maareynta dhibaatooyinka taagan sida fatahaadaha iyo Abaaraha oo soo laab laabay.

Masuulayiinta Cusub ee maanta la wareegay xilalka Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka ayaa waxaa horyaalo shaqo aad u adag oo looga fadhiyo wax ka qabashadeeda iyo in ay la yimaadaan qorshooyin wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...

Safaaradda Soomaaliya oo ee Shiinaha oo soo agaasintay Xuska Maalinta Afrika 

Safaaradda Soomaaliya ee Shiinaha ayaa sanadkaan si heer sare...