Wasiirka cusub ee Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka oo Xilkiisa la wareegay

Date:

Muqdisho (SNTV)-Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xamsa Saciid Xamsa ayaa maanta la wareegay xilkiisa, ka dib munaasabad ay goobjoog ahaayeen Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo Masuuliyiin kale.

Siiyaha Wasiirkii Gargaarka ahaana Wasiir ku xigeenka Wasaaraddda Cilmi Cumar Caynsane ayaa sheegay in mudadii ay jirtay Wasaaradda ay ku talaabsatay hormaro badan, waxyaabo badan ay u qabsoomeen, wuxuuna xaqiijiyay in Wasaaradda hada ay himilooyin wanaagsan ay u muuqdan.

Wasiir ku xigeenka cusub ee Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka Cabdirashiid Maxamuud ayaa balanqaaday inay si wanaagsan ugu shaqeyn doonaan shacabka Soomaaliyeed isbedelo guul ah ay la imaan doonaan.

Mudane Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gargaarka ayaa xaqiijiyay in ay hortaalo talaabooyin waa weyn oo wax ka qabasho u baahan iyo sidii loogu gurman lahaa dadka dhibaatada ay haysato ku sugan qeybaha kala duwan ee dalka.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in Masuulayiinta cusub ay ka rajeynayaan in wax weyn ay ka taraan maareynta dhibaatooyinka taagan sida fatahaadaha iyo Abaaraha oo soo laab laabay.

Masuulayiinta Cusub ee maanta la wareegay xilalka Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka ayaa waxaa horyaalo shaqo aad u adag oo looga fadhiyo wax ka qabashadeeda iyo in ay la yimaadaan qorshooyin wanaagsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...