Mareykanka”Waxaan qaarijinay 27 Al-shabaab kamid ah”

Date:

Muqdisho (SNTV)- War ay soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa lagu faah faahiyay duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo ciidamada Mareykanku ay ka fuliyeen Soomaaliya,iyagoo kaashanaya dowladda Soomaaliya.

Afrika ee AFRICOM  oo ah Taliska guud ee ciidamada Mareykanka oo ku sugan Qaaradda Afrika  ayaa shaaciyay in weerarka oo dhacay labadii June lagu dilay 27 kamid ah kooxaha argagixisada Alshabaab,kaasi oo ka dhacay deegaano ka tirsna Gobolka Bari ee Puntland.

Duqeymahaasi ayaa ka dhacay deegaan qayaas ahaantii in kabadan 25 miles u jira magaalo xeebeedka Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,gaar ahaan dhinaca Koonfureed.

Mareykanka ayaa Qoraalka sidoo kale ku sheegay in weerarka aysan wax khasaare ah kasoo gaarin dad shacab ah,oo k ag dhawaa meelaha duqeymahaasi lala bartilmaameedsaday.

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xili maleeshiyada Alshababa ay dhawaan weerar ku qaadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada ilaalada Xeebaha ee Puntland.

AFRICOM waxa ay sheegeen inay sii wadi doonaan inay qaadaan tallaabooyinka ku habboon ee saxda ah, si loo ilaaliyo danaha dadka Mareykanka, loona baabi’iyo argagixsada.

Warka qoraalka ah ee ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sidoo kale lagu yiri Tani waxaa qeyb ka tahay,in ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom lagula midoobo howlgallada ka hortagga argagixisada, lana beegsado goobaha ay ku tababartaan ee Soomaliya iyo gobolkaba.

Dhawaan ayaa Mareykanka weerar kan lamid ah uu ka fuliyay duleedka Muqdisho wuxuu ku sheegay in ay ku dileen ilaa 11 kamid ah kooxaha argagixisada Alshabaab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Ganacsiga XFS oo ka qayb galay shirka warshadaha Dalalka ku bahoobay EAC

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee...

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona Yemen oo wasaaradda Arrimaha dibedda Yemen ka guddoontay warqadaha Aqoonsiga

Danjiraha JFS ee dalka Yemen Mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed...

Wasiir-dowlaha Beeraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb-galay shirka IFAD

Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Mudane Asad Cabdirisaaq...

Wasiirka Qoyska XFS oo furtay Imtixaanka Guddiga Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...