Madaxweyne Putin oo booqasho Khamiista ku tagi doono dalka Austria

Date:

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa booqonaya magaalada Vienna ee dalka Austria maalinta khamiista ee todobaadka nasoo aadan, Booqashadani ayaa lagu tilmaamay tii ugu horreeysay oo uu ku tago wadan katirsan Reer Galbeedka.

Austria, oo ah dal dhexdhexaad ah, ayaa kamid ahaa dalalka fara ku tiriska ah ee aan weli Danjiraheeda kala bixin magaalada Moscow ee xarunta dalka Ruushka.

Ruushka iyo wadamada Reer Galbeedka ayaanan isku wanaagsanayn taniyo markii sida la sheegay la sumeeyay nin lagu magacaabo Sergei Skripal Basaas oo horeu uga tirsanaan jiray dalka Ruushka kaas oo ku dhintay gudaha dalka Britain.

Madaxweynaha dalka Austria Sebastian Kurz ayaa sheegay in Austria ay doonayso in ay dhexdhexaadiso Ruushka iyo reer galbeedka.

Waxaa lagu soo waramayaa in munaasabado la damacsan yahay in lagu soo dhoweeyno loogu diyaar garoobayo taasi oo la doonayo in lagu martiqaado Vladimir Putin marka uu ka tago garoonka caalamiga ee magaalada Vienna ee xarunta dalka Austria.

Austria ayaa horey u taageertay cunoqabateeynta ay dalalka Yurub ayideen in lagu soo rogo dalka Ruushka.

Madaxweynaha dalka Austria Sebastian Kurz ayaa u sheegay warbaahinta dalka Ruushka in uu doonayo in Austria ay dhexdhexaadiso xukuumadda Moscow iyo reer galbeedka.

Taageerada Mr Kurz ee cunaqabataynta waa mid iska cad, balse xisbiga ay isbahaysiga leeyihiin ee right Freedom Party ayaa sheegay in la qaado cunaqabataynta Ruushka lagu soo rogay.

Madaxa xisbiga xorriyadda, Heinz Christian ayaa socdaal ku tagay Ruushka muddo haatan laga joogo labo sanadood si uu qalinka ugu duugo heshiis iskaashi oo ay la sameeyaan aqalka Kremlin-ka ee looga taliyo dalka Ruushka.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wariyaal ka kala yimid 90 Dal oo Dunida ah oo booqday xarunta caanka ah ee Beijing Tongrentang

Wariyaal iyo xirfadlayaal warbaahineed oo ka kala socday in...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray magaalada Buurhakabo

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud...

Agaasimaha Hay’adda NISA oo Gubadley kula kulmay madax dhaqameed

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo wadda qorshe dalkoodii loogu celinayo muwadiniin Burcad afduubatay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Masar ahna ergeyga...