G/sare Shuute “Shacabkii ku dhintay isku dhacyada ciidamada waa in loo ciqaaba cidda masuuliyadda is rasaa-seyntaasi laheyd”.

Date:

Muqdisho (SNTV)- G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida oo la hadlayay ciidamo ka jawaabay dalabkii madaxweynaha kedib weerarkii 14-kii October oo ku jira dugsiga taba-barka Gen Gordan ayaa kula dar-daarmay marka hore in ay ku shaqeeyaan anshax wanaag.

Guddoomiyaha ayaa uga digay ciidamada in dhexdooda ay isticmaalaan qabyaaladda, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday in qofkii arrimahaaasi ku soo cadaadaan loo ciqaabi doono, isagoo sii wata hadalkiisa ayuu ciidamada kula dar-daarmay in ay bartaan qeybaha kala duwan ee aqoonta, rajjooyinkooda iyo hamigoodana ay sara u qaadaan.
Mar uu soo hadal qaaday dhacdooyinka ciidamada dhexdooda ah oo maalmahaan dambe ka dhacayaye magaalada ayuu si cara leh u sheegay in aan la aqbali doonin in shacab ay ku dhinteen isku dhacyada ciidamada.


Laamaha barista oo kaa shanaya xeer ilaalinta ciidamada ayuu ku amaray in ay baaraan dambiyadii dhacay, soona cadeeyaan cidda masuuliyadda wixii dhacay dusha u ridata si loo mariyo wadada cadaaladda.


Gaba-gabadii ayuu sheeegay guddoomiyaha Maxkamadda D, 1-aad in aysan noqon doonin markii ugu dambeysay oo ay u yimaadaan ciidamada balse ay si joogta ah uga howl geli doonaan rugaha ciidamada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan miro dhal ah la qaatay dhiggiisa dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgaladdii dhacay 24saac ee u dambeeyay.

WAR-SAXAAFADEED: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab, oo...