Shibis oo ka guuleystay degmada ay wada tartamayeen

Date:

Muqdisho (SNTV)-Tartanka waxaa ku wada ballansanaa degmooyinka Shibis iyo Heliwaa oo ka wada tirsan gobalka Benaadir, waxaana weydiimaha ugu horreynba nasiib u yeeshay degmada Heliwaa.

Tartameyaasha Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal su’aal,  waxa ay ka faa’iideysteen 2- su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Shibis, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Heliwaa ay heleen waxay noqotay 6- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7-su’aal, waxa ay ka jawaabeen 3- su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah  oo ay heleen, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Shibis waxay noqotay 6-dhibcood.

Guddiga ayaa dib u saxay su’aashii lixaad tartanka ee la weydiiyay Tartamayaasha Degmada Shibis, taasi oo ahayd cayaaraha dalka, waxaana guddiga go’aamiyay in jawaabtii ay bixiyeen Shibis ay noqotay mid sax ah sidaasina lagu siiyay labada dhibcood.

Sida uu sharciga qabo waxaa lagu daray suaalo dheeri ah, Heliwaa ayaa la timid labo dhibco oo kaliya, taasi oo ka dhigan inay heleen 8- dhibcood, halka Shibis ay la timid 6-dhibcood, oo u dhiganta hal su’aal oo ay ka faa’iideysteen iyo labo xabo oo ay saxeen dhankooda. waxaana wadarta guud ee Shibis ay noqotay 12- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa  u  gudbay wareegga 3-aad tartanka, halka tartamayaasha Degamda Heliwaa ay ku biirtay degmooyinka ku haray wareegga 2-aad.

Tartanka uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir isla markaan ay tabineyso warbaahinta Qaranka, waxaa habeen dambe  foodda is dari doono, tartamaayasha degmooyinka Xamar Jajab & Kaxda oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Qoyska oo kaarka codeynta ka qaadatay degmada Shingaani ee gobolka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda...

Wasiirka Isgaarsiinta oo daah-furay Madasha Saddexaad ee Amniga Cyber-ka Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Maxamed Aadan Macallin...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...