Muqdisho(SNTV) Masuuliyiinta Bangiga Dhexe ayaa Guddiga la wadaagay waxyaabaha u qabsoomay, hormarada la gaaray iyo caqabadaha hortaagan ee xalinta u baahan.
Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Cali Cabdi Cismaan ayaa ku booriyay mas’uuliyiinta Bangiga Dhexe in ay soo dadajiyaan helitaanka lacag Shilin Soomaali ah oo ay baahi xoog leh u qabaan shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo Kale Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in ay lagama maarmaan tahay wax ka qabashadda cabashooyinka la xiriira adeegyada Iyo caqabadaha mararka qaar ku soo kordha Bangiyadda gaarka loo leeyahay kuwaas oo mararka qaarkood dhinaca dibadda looga soo roggo xayiraad dhinaca dhaqaalaha.
Ugu dambeyn labada dhinac ayaa isla gartay in ay dhex marto wada shaqeyn balaaran si looga gudbo caqabadaha hor taagan howlaha maaliyadda, loona xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac.