RARKA GUDAHA Madaxweynaha JFS iyo Wafdi uu hoggaaminiyo oo gaaray Magaalada Baydhabo.

Date:

Baydhabo(SNTV):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Baydhaba halkaas oo maalinta berri ah uu si rasmi ah uga furmayo Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto waxaa looga hadli doonaa amniga guud ee dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka ciidamada.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed oo ka warbixiyay safarka Madaxweynaha ayaa yiri “Shirkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho bishii Febraayo waxaa lagu go’aamiyay in shirka xiga lagu qabto magaalada Baydhabo. Dowladda waxay ku hanweyntahay in shirkani ay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan oo sii dardargelinaya arrimaha amniga, federaalaynta dalka, khayraad wadaaga iyo in dalka lagu soo dabbaalo siyaasad deggan oo ku dhisan wadatashi.”

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleed Koonfur Galbeed iyo shacabka magaalada Baydhabo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...