R/wasaare kuxigeenka Dalka oo ka Qeyb Galay Munaasabad lagu daahfurayay Tartan Quraan Aqris.

Date:

Muqdisho(SNTV)ย Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) Raiisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayay furitaanka tartan Qurโ€™aan aqris heer Qaran ah oo sanadkasta la qabto ayaa si weyn ugu dheeraaday ka hadalka muhiimadda uu qurโ€™aanka Kariimka uu u leeyahay dadka iyo in la helo afkaar midaysan oo bulshada dhexdeedi ah si looga gudbo kala ququbnaanta.

Raiisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa soo hadal qaaday fikradaha xagjirnimada ah iyo kooxaha diinta sida qaldan u adeegsada, hadana banaystay dhiiga muslimiinta kuwaasi oo uu sheegay in looga gudbi karo oo kaliya in la helo bulsho haysata aragti midaysan, quraankuna uu dawo u yahay waxkasta.

โ€œMarka hadii aan xadaaran aqoon fikirmidaysan iyo fikir midaysan iyo siyaasad ku salaysan Islaamka,aan ku salaynin manhabkeyna waxbarasho,waxaan ku sii soconaynaa fikirkaa kala duwan oo qaarkayna dhiigayna banaystay qaarna ay leeyihiin ka daaya,waa in aragtida la mideeyaa hadduu rabbi idmo,lagu dadaalo in wada hadal la furo si loo saxo dadka qaldan maskaxiyan maadaama aan qori waxba lagu maquuninkarinโ€. Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Munaasabadda Daah furka barnaamijkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Diinta iyo Arrimaha Owqaaftaย  ayaa maalgelisay hayโ€™adda Qadar Charity ee laga leeyahay Dalka Qadar waxaa sidoo sidoo kale goob joog ka ahaa masโ€™uuliyiinta Wasaaarddaasi, kuwa Dowlada Goboleedyada, Culimaaโ€™udiin iyo Danjirayaasha Wadamada Qadar iyo Turkiga uu fadhiya Soomaaliya, iyadoo dadkii halkaasi ka hadlay uu ka mid aha SHeekh Bashiir Axmed Salaad guddoomiyaha Hayโ€™adda Culimadda Soomaaliyeed ay soo jeediyeen in la kordhiyo barashada iyo fahamka micnaha Qur’aanka Kariim, islamarkaana loo dhiso xarumo lagu barto oo meelo wanaagsan ku yaala.

Xasan Macalin Xuseen oo ah wasiirka Diinta iyo Arrimaha Owqaafta Dowladad Soomaaliya ayaa balanqaaday in abaalmarino la siin doona qofkii guuleysta.

โ€œTartankan qurโ€™aan aqriska ah wuxuu socond oona muddo isbuuc ah, waxaa la qaban doonaa markii uu dhamaado xaflad ballaaran oo ay ka soo qeybgalidoonaan madaxda sare ee dalka,waxaana lagu bixindoonaa abaalmarinoโ€. Ayuu yiri Wasiir Xasan Macalin.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo booqasho ugu tagay Madaxweynaha Galmudug

Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye)...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS IYO WAFDI UU HOGAAMINAYO OO DALKA DIB UGU SOO LAABTAY

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo ka tacsiyeeyay geerida ku timid AUN Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...