Jilib iyo Hodan oo loo diiwaan geliyay wareegga 3-aad ee tartan aqooneedka

Date:

Qeybta hore ee tartan aqooneedka ayaa lagu bilaaabat degmooyinka Jilib iyo Gaalkacyo oo kala kala tirsan maamulada Jubbaland iyo Galmudug.

Tartameyaasha Degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe waxaa la weydiiyey 7-Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 2-su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen hal su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Gaalkacyo, dhibcaha tartameyaasha Degmada Jilib ay heleen waxay noqotay 6-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen 1-su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen  suaal Qura  oo soo hareer martay Jilib, wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Gaalkacyo waxay noqotay 4-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa caawa u soo gudbay wareegga saddexaad ee tartanka, halka Gaalkacyo ay ku biirtay degmoooyinka ku haray lugta 2-aad ee tartan aqooneedka.

Isla habeenkii xalay ahaa waxa uu tartan kale dhex maray degmooyinka Hodan & Wadajir oo ka wada tirsan gobalka Benaadir.

Tartameyaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey 7- Su’aal, waxa ay ka jawaabeen 4- su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen 3-su’aal oo soo hareer martay tartamaaysha Degamda Wadajir, wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Hodan ay heleen waxay noqotay 14- dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay 7- su’aal, waxa ay ka jawaabeen Hal  su’aal,  ma jirin wax ka faa’iideysi ah  oo ay heleen,  wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Wadajir waxay noqotay 2-dhibcood.

Tartamayaasha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa caawa u soo gudbay wareegga 3-aad ee tartanka, halka tartamayaasha Degamda Wadir ay tariinka ka hareen.

Tartan aqooneedka uu taaba gelinayo maamulka gobalka Benaadir isla markaana ay tabineyso warbaahinta Qaranka waxaa habeen dambe ku wada ballansan  Heliwaa Vs Shibis oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiisyo dhowr ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Taliyaha CB Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee amniga Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Soomaaliya oo si buuxda ula wareegtay maareynta ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka kadib 32 Sano

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyey...

DFS oo beenisay wararka ku saabsan heshiis qarsoodi ah oo ay la gashay Dowladda Sweden

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada...