Wasiirka Warfaafinta oo si rasmi ah xilka ula wareegay, fartana ku fiiqay yoolka Wasaaradd

Date:

Muqdisho (SNTV) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa si rasmi ah xilka ula wareegay, wax yar un kadib markii maanta loo dhaariyay xilkaasi.

Munaasabadda xil wareejinta oo  lagu qabtay Xarunta Wasaaradda, ayaa waxaa kasoo qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka, Guddoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka, Hanti dhowraha Qaranka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta.

Hanti dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali  iyo Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta Golaha Shacabka Xildhibaan Khaalid Macoow ayaa bogaadiyay Wasiirka  iyo howlaha shaqo ee ka socda Wasaaradda, iyagoo xusay inay diyaar u yihiin la shaqeynta Wasiirka cusub.

Sii hayahii Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Iidaan Yoonis oo xilka wareejiyay ayaa sheegay in Warfaafintu ay heshay Wasiir ku haboon oo u leh qibrad wanaagsan, uuna ku faraxsanyahay in uu maanta xilka wareejiyay.

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Hannuuninta Dadweynaha Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo xusay doorkii Wasiiradii xilka kaga horeeyay ayaa sheegay in Wasaaradda ay la dhafar u noqon doonta Nabadda, Wacyigelinta iyo isdhexgalka bulshada si looga hortago kuwa xagjirka ah ee fikradaha qaldan dadka ku marin habaabinaya.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa tilmaamay in waaya-aragnimada Daahir Geelle ay wax badan kusoo kordhin doonto bahda Saxaafadda, isla markaana magacaabistiisa ay ku soo beegantahay xilli loo baahnaa.

Toddoaad ka hor ayey ahayd markii isku shaandheyn uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku magacaabay Daahir Maxamuud Geelle oo 8 sano ka hor Wasiir kasoo noqday Wasaaradda Warfaafinta markaasi oo kaalin weyn uu ka qaatay dib u howlinta Warbaahinta Qaranka iyada oo lagu shaqeynayo daruuf adag.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...