Madaxweynaha Hirshabeele oo faah faahin ka bixiyay kulamo uu Nairobi kula soo yeeshey madaxda Hay’ado Caalami ah

Date:

Muqdisho(SNTV) Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo Soo gaaray Magaalada Muqdisho, kaddib Safar Shaqo oo maalma qaatay uu ku maqnaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya,ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu kusugnaa dalka Kenya.

Madaxweyne Waare oo imaatinkiisa Muqdisho Safarka ku wehlinayay Madaxweynaha Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay labaduba ku sugnaayeen Kenya ayaa sheegay  in guulo uu ka so hooyo madaxda hay’addo caalami ah oo uu kula kulmay magaada Nairobi,kuwaasi oo uu kala hadlay Arrimo kale duwan oo la xiriira Horumarinta shaqaalaha Hirshabelle, Dib U dhiska iyo fulinta Mashaariicyo horumarineedn oo laga hirgaliyo Deegaanada Hirshabeele , iyo
Dhisida Ciidamada Boliiska gaarka ah ee Hirshabelle.

Sidoo Kale Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa intii uu Magaalada Nairobi ku sugnaa waxaa iyana kulan uu la qaatay hey’adaha Qaramada ee ka shaqeeya arrimaha Bini’adanimada kuwaasi uu si qoto dheer ugala hadlay Baahiyaha dhinaca Bini’aadanimada ee Hirshabelle ka jira, isagoo sharaxaad dheeraad ka siiyay heerka ay gaarsiisantahay fatahaada Wabiga iyo Saameyntiisa.

Maalmaha Soo Socda Ayaa Lagu Wadaa Madaxweyne Waare in uu Gaaro Magaalada Beydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya halkaasi oo kaga qeyb galayo shirka golaha Amniga Qaranka oo uu qorshuhu yahay in uu ka dhaco Magaaladaasi, kaasi oo ay ka qeyb galayaan Dowlad Goboleedyada dalka  ka jira iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo uga warbixiyay Madaxda Qaranka wax-qabadka hay’adda

Guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Ra’iisul Wasaare Xamsa ” Guulaha la gaaray waxaa saldhig u ah sharuucda dalka oo la hagaajiyay”.

Xukuumadda DanQaran ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigtay...

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay bandhigga wax-qabadka Xukuumadda Dan-Qaran 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi,...