Gudomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaaday wafdi ka socday Midowga Yurub

Date:

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Midowga Yurub oo uu hoggaaminayay Madaxa Siyaasadda Midowga Yurub ee Soomaaliya Fulgencio Garrido Ruiz ayaa kala hadlay arrimo badan oo ay kujiraan xoojinta xiriirka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Guddoomiyaha  Golaha shacabka JFS, ayaa ugu horeyn wafdigaan uga warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay Golaha shacabka iyo qorshayaasha hadda u degsan,kuwaasi oo mudanaanta uu siin doono Golahaasi.

Waxyaabaha labada dhinac  ay aadka uga wada hadleen waxaa ka mid ah in Midowga yurub uu golaha Shacabka ka taageerro dhinacyada farsamada, inuu tababaro guddiyada golaha shacabka iyo sidoo kale In la helo khubaro ka qeyb qaata diyaarinta shuruucda Dalka muhiimka u ah.

Sidoo kale guddoomiye Maxamed Mursal Sheeekh C/raxmaan, ayaa kulan la qaatay gudiga xeer hoosaadka ee golaha shacabka oo ay ka wada hadleen arrimaha xeer hoosaadka iyo qodobada wax ka bedelka u baahan.

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala sharciyo muhiim u ah dalka,kuwaasi oo looga baahanyahay in ay meelmariyaan xildhibaanada,si dalka loogu haggo dhabaha horumarka iyo dhismaha hanaanka dowladnimmo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...