Shaxda wareegga 2-aad ee isku aadka tartan aqooneedka bisha Ramadan

Date:

Muqdisho (SNTV)-Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii todobaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa la sameeyay qori tuurka wareegga labaad ee tartanka, kaddib markii la soo gabo gabeeyay wareegga koowaad ee tartanka.

Guddoomiyaha Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Maxamed Abuukar Axmed Ma’da ayaa sheegay in tartanka ay ka qeyb galeen 30 degmo, isla markaana wareegga koowaad ay ku soo baxeen 15 degmo, sida sharciga uu qabana waxaa sanadkasta lagu soo daraa hal degmo oo ka mid ah kuwii haray, taasi oo lagu qiimeynayo xagga dhibcaha iyo asluub wanaag.

Maxamed Abuukar Ma’da ayaa sheegay in qiimeyn kaddib tartamayaasha Degmada Boosaaso ay noqdeen kuwa ku soo baxay qiimeynta lagu sameeyay dhibcihii ay la timid markii laga badinayay oo ahayd 8 dhibcood, waxaana uu intaa ku daray in wareegga labaad ay u soo gudbeen 16 degmo.

Cabdinaasir Daahir Sabriye oo ka mid ah guddiga tartanka ayaa sheegay in qori tuurka uu u dhici doono si cadaalad ah, isla markaana ay cidkasta kala socon doonto dhalada qori tuurka.

  1. Yaaqshiid Vs Garoowe
  2. Jowhar Vs Warta Nabadda
  3. Jilib Vs Gaalkacyo
  4. Hodan Vs Wadajir
  5. Heliwaa Vs Shibis
  6. Xamar Jabjab Vs Kaxda
  7. Kismaayo Vs Xamarweyne
  8. Boosaaso Vs Deyniile

Habeen dambe ayaa la filayaa in uu ku bilowda wareegga labaad ee tartanka si ka duwan sidii hore, waxaana qeybta hore ee tartanka lagu daah furi doonaa Tartamayaasha Degmooyinka Yaaqshiid iyo Garoowe, waxaana wareegga labaad isla habeen dambe isku arki doono Jowhar iyo Warta Nabadda, taasi oo ka dhigan in habeen dambe ay afar degmo kulmi doonaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay masuuliyiinta la doortay ee Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya

Muqdisho, Febaraayo, 04,2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan...

Ra’iisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo hambalyo u diray xubnaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Geedi,...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray Xarun Waxbarasho oo laga hirgeliyay Garasbaalley

Muqdisho, Febraayo 04, 2026: Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ku tallaabsanaya dhismaha guddi saaxiibtinimo oo Baarlamaan

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Aljeeriya, Danjire...