Madaxweyne Farmaajo oo wada hadallo la yeeshay Madaxweyne Kenyatta

Date:

Nairobi, 30ka May, 2018:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho hal cisho ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta wada hadallo kula yeeshay Madaxtooyada Kenya dhiggiisa dalkan Mudane Uhuru Muigai Kenyatta.

Madaxweyneyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada ammaanka, la dagaallanka kooxaha argagixisada ah, ganacsiga iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Kenya sida ay dowladdiisu u garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay kaalinta ay Kenya ka qaadaneyso Hawlgalka Nabad iIaalinta Midowga Afrika ee AMISOM si looga adkaado kooxaha argagixisada ah.

Waxyaabaha kale ee ay labada Madaxweyne ka wada hadleen waxaa ka mid ah iskaashiga dhaqaale ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay isu socodka dadka iyo badeecadaha. Waxaa sidoo kale la isla gartay in la sugo ammaanka xudduudaha labada dal si looga hortago in kooxaha argagixisada ahi ay isaga gudbaan.

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo guddi wadajir ah oo u kuurbgala xaaladda degmada Balad Xaawo, isla markaasna soo diyaariya warbixin dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ka jirta xuduudda u dhaxeysa labada dal.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay taageero joogta ah siineyso shacabka iyo dowladda Soomaaliya, waxa uuna intaas ku daray in dowladdiisu ay aaminsan tahay in midnimada iyo madax bannaanida Soomaaliya ay tahay lama taabtaan.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Wasiir Ku Xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, Wasiir Ku Xigeenka Wasaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo masuuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin ee magaalada Beledweyne

Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay...

Wasiirka gaashaandhigga XFS oo xaqiijiyey hawgalo lagu dilay horjoogeyaal khatar badnaa

Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim...