Kismaayo oo noqotay degmadii ugu dambeysay ee wareega 1-aad ka gudubto

Date:

Muqdisho (SNTV)-Tartanka caawa waxaa ku ballansanaa degmooyinka Dhuusamareeb iyo Kismaayo oo ka kala tirsan Jubbada Hoose iyo Galgaduud.

Dhuusamareeb ayaa ka jawaabtay mid kamid a 7-su’aal ay xaqqa u lahaayeen, kamana aysan faa’ideysaan fursadaha ay lumiyeen degmada ay tartamayeen ee Kismaayo, waxa ayna heleen dhibco gaarayo  2.

Kismaayo oo u muuqatay degmo dadaal badan sameysay ayaa ka jawaabtay  4-kamid ah 7-dii ay xaqqa u lahaayeen, waxa ay sidoo kale ka faa’ideysteen 3-kamid ah fursadaha  ay soo lumiyeen Dhuusamareeb, waxa ayna heleen wadarta guud ee dhibcaha tartanka 14-dibcood.

Tartanka caawa oo ahaa wareegii 1-aad kulankii ugu dambeeyay, waxaa wareegga 2-aad iska xaadiriyay degmada Kismaayo, halka ay ku biirtay Dhuusamareeb degmooyinka ku haray wareegga 1-aad ee tartanka.

Maamulka gobalka Benaadir ayaa taaba gelinayo tartanka halka ay warbaahinta qaranka ay tabiso, waxaana habeen dambe wareegga 2-aad qeybta 1-aaad waxaa ku wada ballansan degmooyinka Yaaqsiid iyo Garoowe oo ka kala tirsan Benaadir iyo Nugaal, halka qeybta 2-aad ee isla habeen dambe  iyana isku arki doonaan  tartanka degmooyinka Jowhar  & Warta Nabadda oo iyana ka kala tirsan Shabeelaha dhexe iyo Benaadir.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...