Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga oo Maanta la Wareegay Xilkiisa

Date:

Muqdisho (SNTV)ย -Waxaa Maanta si rasmi ah Xilka ula wareegey Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga Mudane Xasan Cali oo dhawaan uu magacaabay Raโ€™iisul wasaaraha Soomaaliya kadib Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, waxaana goobjoog ka ahaa Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka iyo Xubno ka tirsan Guddiga Difaaca Golaha Shacabka iyo Saraakiil Ciidan.

Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal C/llaah Cali (Caanood) oo ugu horeyn ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhhiga.

Mudane Maxamuud Cali Xagaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka ku Wareejiyay Wasiirka difaaca ayaa Warbixin guud ka siiyay Wasiirka Cusub Howlaha ka socda Wasaaradda.

Wasiirka Gaashandhiggaย ย Mudane Xasan Cali ayaa uga mahaceliyay Waxyaabihii ay qabteen Wasiiradii ka horeeyay, isagoona balaa qaaday in Howsha uu halkeeda ka sii wadi doono.

Raโ€™iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo gabagabadii Munaasabada ka Hadlay ayaa kula dardaarmay Wasiirka Cusub ee Wasaarada difaaca dalka in uu si hufan u guto waajibaadka loo igmadey.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Muqdisho ka furay shirka wadatashiga Qaran ee abaaraha.

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...