Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta oo Xafiiska la wareegay

Date:

Munaasabaddan oo aheyd mid ay xilka ku kala waregeyen Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta iyo Wasiirka cusub ee dhowaan loo magacabay wasaaradda Howlaha Guud  ayaa waxa goobjoog ka ahaa Ra’iisal wasaare ku- xigeenka dalka Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal wasaaraha mas’uuliyiinta Wasaradda iyo xildhaabano ka tirsan barlamaanka Soomaaliya.

Ugu horeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay wasiirkii hore ee wasaaradda howlaha guud Eng, Saadiq Abdullahi Cabdi, isagoona sheegay  in xilka uu meerto yahay haddane loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato dhismaha iyo horumarka dalka,wuxuuna u mahad celiyay  cid walba oo garab ka siisay ka shaqeynta howlaha guud ee dalka.

Wasiirka Wasaradda howlaha guud Xukumadda Federaalka Soomaaliya C/fitaax Maxamed Ibraahim ( Geesey ) ayaa ugu horeyn uga mahad celiyaay dowrkii  iyo shaqaddi wanaagsaneyd  uu qabtay Wasiir Saadiq islamrkaana sheegay in Wasaradda howlaha guud ay ahmiyad weyn uu leedahay dalka.

Ra’iisul waasare ku xigeenka dalka Mahdi  Maxamed Guuleed (Qadar ) oo gaba gabada munaasabadda ka hadlay ayaa isna ku aamanay dowrki iyo wada shaqeyntii wanaagsaneyd ee kala dhaxeyaay wasiir saadiq, wuxuuna  shegaay  in Wasaradda howlaha guud ay tahay lafdhabarta kabayaasha dhaqaalaha iyo harumraka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabi...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar loogu soo xiray dalka Yugaandha

Madaxweynaha dalka Yugaandha Mudane Yoweri Museveni ayaa tababar usoo...