Golaha Shacabka oo hakiyay kulammadoodii caadiga ahaa

Date:

Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa Maanta Kalfadhiga 3aad Kulankiisa 11aad waxay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu shir Gudoominayay Af-hayeenka Golaha Shacabka ee Soomaaliyeed Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta waxaa uu ku Saabsanaa Ajenda la xiriira su’aalo weydiin loogu balansanaa Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya,

Waxaa kulankii Maanta lagu go’aamiyay in Maalmaha ka haray Bisha barakeysan ee Ramadaan ay hakad galayaan kulumada Barlamaanka Golaha Shacabka  Soomlaaiyeed sidoo kalena ay guddoonku soo sheegi doonaan xilliga ay si toos ah u furmayaan kulamada kadib Bisha Ramadaan.

Ajenda Maanta oo ahaa su’aalo weydiin loogu ballansanaa Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaqday ka dib markii uu codsi soo jeedin ka yimid Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Shacabka Soomaaliya oo dalbaday in dib loo dhigo su’aalo weydiinta sababo la xiriira dhameystirka macluumaadka Wasaaradda Waxbarashada oo ay guddigu codsadeen in ay keeni doonan kulamadda kale ee kan xiga.

Markii la soo gaba gabeeyay kulankii Maanta ayaa waxay Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa Muudeey soo Indha indheeyeen dayac tirka iyo dib u habeynta lagu sameynayo dhismaha Aqalka Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo howlo dib u hagaajin ah ay socdaan.

Dayactirka iyo dib u dhiska imminka ka socda xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa haatan maraysa meel aad u wanaagsan, waxaana la filayaaa in dhawaan lasoo gabagabeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...