Golaha Shacabka oo hakiyay kulammadoodii caadiga ahaa

Date:

Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa Maanta Kalfadhiga 3aad Kulankiisa 11aad waxay ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulanka Golaha Shacabka Soomaaliya oo uu shir Gudoominayay Af-hayeenka Golaha Shacabka ee Soomaaliyeed Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Maanta waxaa uu ku Saabsanaa Ajenda la xiriira su’aalo weydiin loogu balansanaa Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya,

Waxaa kulankii Maanta lagu go’aamiyay in Maalmaha ka haray Bisha barakeysan ee Ramadaan ay hakad galayaan kulumada Barlamaanka Golaha Shacabka  Soomlaaiyeed sidoo kalena ay guddoonku soo sheegi doonaan xilliga ay si toos ah u furmayaan kulamada kadib Bisha Ramadaan.

Ajenda Maanta oo ahaa su’aalo weydiin loogu ballansanaa Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa baaqday ka dib markii uu codsi soo jeedin ka yimid Guddiga Arrimaha Bulshada Golaha Shacabka Soomaaliya oo dalbaday in dib loo dhigo su’aalo weydiinta sababo la xiriira dhameystirka macluumaadka Wasaaradda Waxbarashada oo ay guddigu codsadeen in ay keeni doonan kulamadda kale ee kan xiga.

Markii la soo gaba gabeeyay kulankii Maanta ayaa waxay Guddoomiye Mursal iyo ku xigeenkiisa Muudeey soo Indha indheeyeen dayac tirka iyo dib u habeynta lagu sameynayo dhismaha Aqalka Golaha Shacabka Soomaaliyeed oo howlo dib u hagaajin ah ay socdaan.

Dayactirka iyo dib u dhiska imminka ka socda xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa haatan maraysa meel aad u wanaagsan, waxaana la filayaaa in dhawaan lasoo gabagabeeyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...