Duqa Muqdisho oo Afur sharafeed u sameeyey Safiirrada dalalka Islaamka

Date:

Muqdisho(SNTV):– Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) oo caawa afur sharafeed u sameeyey Danjireyaasha dalalka Islaamka u fadhiya Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sharaxaad ka siiyey Danjireyaasha qorshaha Maamulkiisa iyo wax-yaabaha uu hiigsanayo, si loo gaaro xasillooni iyo dib-u-dhiska Caasimadda, isagoo intaas ku daray in waqtigan muhiimka loo baahan yahay taageero walaaltinimo si Caasimaddu ay ula soo noqoto kaalintii ay ku lahayd Caasimadaha kale ee Caalamka.

Duqa Caasimadda oo kulanka ay ku weheliyeen Wasiirrada Arrimaha Dibedda, Amniga Qaranka, Hay’adaha OIC iyo Islamic Relief iyo qaar kamid ah Guddoomiye ku-xigeennada Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa Danjirayaasha ku ammaanay doorkooda muhiimka ah ee ay ka qaateen gacan siinta shacabka, waxayna tilmaameen muhiimadda ay leedahay in lasii xoojiyo wadashaqeynta iyo garab istaagga bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Eng. Yarisow waxuu sheegay in ujeedka kulankani uu yahay mahadcelin loo sameynayo Safiirrada dalalka Islaamka oo door muhiim ah ay wadamadoodu ka qaatay taageerada shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin, gaar ahaan dhinacyada amniga, Banii’adamniada iyo horumarinta Caasimadda.

Danjireyaasha dalalka Islaamka u fadhiya Soomaaliya ayaa ku ammaanay Duqa Muqdisho isbedellada horumarineed iyo nabadgelyo ee uu ka hirgeliyey Caasimadda mudadii uu xilka hayey iyo sidoo kale dardar-gelinta dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha ee xawliga ku soconaya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Azerbaijan oo heshiis Diblumaasi ah kala saxiixday

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ayaa ku heshiiyay...

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka 72-aad ee WHO 

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Soomaaliya oo ka qeybgal Shirweynaha Wasiirrada Qorshaynta iyo Dhaqaalaha Afrika

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda...

Duqa Muqdisho oo vasho sharaf u sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Waqooyi Bari.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...