Wasaaradda Warfaafinta oo dib u howl-gelinaysa Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed

Date:

Muqdisho-(SNTV)-Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe dib loogu howl-gelinayo xaruntii Golaha Murtida iyo madaddaalada ee National Teatre-ka.

Ku simaha Wasiirka Warfaafinta ahna Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, C/raxmaan Iidaan Yoonis, Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, C/raxmaan Sh, Yuusuf  (Al-caddaala) Agaasimaha Tiyaatarka Qaranka Cusmaan C/laahi Guure iyo masuuliyiin kale oo Shalay kormeeray xarunta Golaha murtida iyo madaddaalada Qaranka ayaa waxay ballan qaadeen inay soo celin doonaan howlihii uu Tiyaatarka u hayay Bulshada iyo doorkii ay ka qaadan jireen Hoballada Waaberi.

Agaasimaha Tiyaatarka Qaranka Cusmaan C/laahi Guure ayaa ku simaha Wasiirka iyo Agaasimahad Guud ee Warfaafinta kaga mahad celiyay kormeerka ay ugu tageen, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay ku shaqeeyaan xaruntooda.

“Waa ku faraxsannahay Maanta madaxda inay noo yimaaddeen , anagoo ku shaqaynayna xarunteennii, kuna sii shaqyn doonno, diyaarna u ah oo nalugu dul dhiso annagoo ku shaqaynayno, oo siduu u qurxanaan jiray asagoo u qurxan ay Ummadda Soomaaliyeed usoo daawasho tagto” ayuu yiri Agaasime Guure.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, C/raxmaan Yuusuf Al-caddaala, ayaa sheegay inay Bulshada Soomaaliyeed muhiimad weyn u leedahay dib u howl-gelinta Tiyaatarka Qaranka, taasoo ay soo amreen madaxda Qaranka Soomaaliyeed, ka Wasaarad ahaanna ay sii xoojinayaan.

“Insha Allaah waxaan rajaynayaa inay Ummadda Soomaaliyeedarki doonaan xaruntii ay Jeclaayeen oo Cilmiga ay ka heli jireen, oo ay Taariikhda ka heli jireen, oo Suugaantoodu ku suntanayd oo mar kale shaqaynaysa, dedaalkaasoo uu wasiirku nagu hoggaaminayo, Madaxda sare ee Qarankuna ay nasoo amreen inay halkaan lagu shaqeeyo, Fannaaniinta Qarankana ay ku howl-galaan” ayuu yiri Agaasime Al-Caddaala.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta ahna ku simaha wasiirka, C/raxmaan Iidaan Yoonis, ayaa sheegay in dhawaan la dhisi doono Golaha Murtida iyo madaddaalada iyo wacyi gelinta ee Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed.

Mudane Iidaan ayaa sheegay inuu qorshuhu yahay inay Tiyaatarku kusoo celiyaan sidii uu ahaan jiray, taasoo ay kaalintooda kaga aaddan ka qaadan doonaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya, inta ka horreysana la doonayo inay Fannaaniintu halkan kusii shaqeeyaan, kuna gutaan howl-Maalmeedkooda shaqo.

Madaxdii gormeerka ku tagtay Golaha murtida iyo madaddaalada Qaranka ee National Teatre-ka iyo fannaaniintii halkaasi ku sugnayd ayaa isla qaatay in la fuliyo ammarka madaxda sare ee Dalka ee ah in lagu shaqeeya xarunta, iyadoo sida dhaqsiyaha badanna loo dayac tiri doono Tiyaatarka Qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...