Shir looga hadlayey heerarkii uu soo maray Dastuurka Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV), Shir wadatashi ah oo ay wada yeesheen guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka baarlamaanka Soomaaliya, guddiga madaxa banaan ee hirgelinta dastuurka, Wasaaradda dastuurka XFS iyo Masuuliyiin ka socday Heyโ€™adda UNDP UNSSOM oo gacan ka geysata arrimaha dastuurka, waxaana shirkaan ay uga hadleen qodobo badan oo ku saabsan dastuurka.

Shirka, ayaa waxaa soo diyaariyey guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka, waxaana looga hadlay heerarkii uu soo maray dastuurka, waxa qabsoomay iyo waxyaabaha u dhiman.

Wasiirka wasaaradda dastuurka XFS Mudane C/raxmaan Xoosh Jibrii, ayaa warbaahinta u sheegay in u jeedka shirkaan uu ahaa dardar gelinta howlaha dastuurka, waxaana uu xusay in arrimo badan maanta ay kawada hadleen.

Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay wada shaqeyn doonaan heyโ€™addaha heer dowlad goboleedย  iyo heer federaal ee u xil saaran dhameystirka dastuurka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...