Maamulka G/Banaadir oo shaqsiyaad been abuur sameynayey u gudbiyey hay’adaha Garsoorka iyo Amniga

Date:

Muqdisho, 22 May, 2018– Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa u digay shaqsiyaadka ku howllan sameynta sharciyada Been-Abuurka ah ee lagu xalaalaysanayo dhulalka dadweynaha, iyadoo ciddii lagu helana caddaaladda la horgeyn doonno lagana qaadayo tallaabo sharciga waafaqsan.

Waaxda Maamulka Dhulalka ee Gobolka Banaadir ayaa qabatay labo shaqsi oo dokumenti Been-Abuur ah ku raadinayey in dublikaato loogu sameeyo ahaana dhul ay leeyihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana lagu wareejiyey laamaha amniga iyo Xeer Illaalinta Guud si baaritaan dheer ah loogu sameeyo.

Guddoomiyaha ayaa kula dar-daarmay shacabka ku nool Caasimadda in laga feejignaado sharciyada been abuurka ah oo ah fal-danbiyeed qofkii lagu helo uu ku mudan karo ciqaab adag.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa horey tallaabo uga qaaday shaqsiyaad ku howllanaa sameynta Warqado been abuur ah, waxana la horgeeyey Caddaaladda, tanna waxay caddayneysaa in maamulku aanu u dulqaadanayn musuq-maasuqa iyo sameynta sharciyada suuqa madow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Waxbarashada XFS oo wadahadalo Caalami ah kaga qaybgalay magaalada Nairobi.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Horjooge ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug.

Horjooge Cabdiraxmaan Talxo Shuuke, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta,...

Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku hoggaaminaysa xal u helidda qalalaasaha Bariga Dhexe.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse...

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Khawaarijta ku baacsanaya dhulka howdka ah

Geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgal qorsheysan...