230 dhalinyaro Soomaaliyeed oo isku diiwaan geliyay in loo celiyo dalkooda hooyo

Date:

Muqdisho (SNTV)-Waxaa ilaa iyo hadda la diiwaan galiyey  230-dhalinyaro ah oo sanado badan ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo ku yaalo waddanka Liibiya,  dhalintan ayaa diyaar u ah in lagu celiyo wadankooda hooyo.

Cali Siciid Fiqi safiirka Midawga Yurub ee Soomaaliya  kana  mid ah Ergada dawladda Soomaaliya  u wakiilatay arrimaha soo celinta dhalinyarada dibadda ku xiran ayaa sheegay in todobaadka soo socodo ay dalka ku soo celinayaan qaybta ugu horraysa, iyaga oo kaashanaya hay’adda muhaajiriinta ee IMO.

Horay dowladda Soomaaliya laba jeer  ayay dalka Liibiyaan kaga keeneen  Soomaali ku dhibaateysanaa xabsiyada waddankaasi, wadamada Seychelles India & Ethiopia ayaa kamid ahaa waddamada kale ee laga keenay Soomaali ku xirnaa xabsiyada dalalkaasi,

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii ay u soo celin laheyd Soomaalida ku dhibaateysan waddamada caalamka haba ugu darnaate waddanka Liibiya oo dowlad aan awood badaneen ka jirto tan iyo markii xilka laga tuuray Qadafi taasi oo sabab u noqotay in lagu dhibaateeyo Muhaajiriinta nolosha u raadinaya Yurub oo ay Soomaalida kamid tahay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...