Maamulka Gobolka Banaadir oo ku howlan nadiifinta waddooyinka

Date:

Magaalada Muqdisho ayaa laba iyo tobankii Saacadood ee la soo dhaafay waxaa ka Socday roobab lixaad leh oo geystay dhimasho dhaawac iyo khasaare hantiyeed saacadihii la soo dhaafay, ayadoo taasi ay sii dheertahay wadooyinka qaarkood oo ay biyo fariisteen.

Maamulka Gobolka Banaadir oo had iyo jeer ka warqaba baahida bulshada Gobalka Banaadir ayaa u istaagay in uu wax ka qabto arrintaasi.

Booyado waa weyn oo loogu tala galay in ay qaadan biyaha fariistay wadooyinka qaar ayaa lagu  arkayay qaar ka mid ah wadooyinka Magalada Muqdisho ayadoo ay ku guuleysteen Maamulka Gobalka Banaadir in ay nadiifiyaan wadooyinka qaar oo hada ku soo laabtay sidii caadiga ahayd.

Agaasimaha Howlaha Guud ee Maamulka Gobalka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane oo ku sugnaa goobaha biyaha ay fariisteen ayaa bogaadiyay Shaqada Maamulka Gobolka Banaadir uu u haayo Umada Soomaaliyeed ayadoo Wadoyinka qaarkood ay noqdeen kuwa aanan la mari Karin isku socodka bulshada Saameyn weyn ku yeeshay,

“Galabta markii meelaha qaar aan ka bilownay shaqada waxay ahayd meelo aanan la mari Karin balse haatan wadooyin badan oo uu xiray roobkii ka socday Magalada Muqdisho Waxaan ku guuleysanay in aan Furno Wadooyinkaasi” ayuu yiri Cabdi Fitaax Cumar Xalane Agaasimaha Howlaha Guud ee Maamulka G/Banaadir oo dhowaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu u magacaabay xilkaasi.

Xalay marka  Sacadu ay aheyd labadii habeennimo oo daqiiqado dhiman ayaa agasimaha iyo Xubno kale oo ka socda Maamulka Gobalka Banaadir waxaa ay ku sugnaayeen goobaha ay  ka socdeen howlaha nadiifinta wadooyinka biyaha ay fariisteen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...