ku dhawaad 35million oo lacag ah ayaa ku baa-ba’day roobabkii ka da’ay Muqdisho

Date:

Muqdisho (SNTV)-Guddoomiyaha gobalka Benaadir ahna duqa Muqdisho ayaa la fariistay qaar kamid ah ganacsatada ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxa  uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii ay kaga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo sameynayo dadkii ay wax yeelada ka soo gaartay daadakii ku dhufay magaalada Muqdisho

“Waxaan maanta kulan dheer la yeeshay Ganacsatada Gobolka Banaadir oo ka wada xaajoonay sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo sameynayo shacabka ay dhibaatadu ka soo gaartay Roobabkii da’ay” Duqa Muqdisho ayaa sidaas ku qoray bartiisa twiter.

Dhanka kale Guddoomiaya Gobalka Benaadir Eng Cabdiraxmaan Cusmaan Yariisow ayaa soo bandhigay si hor dhac ah dhaqaalaha maaliyadeed ee ku baaba’ay roobabkii da’ay, waxaana lagu qiyaasay 35million oo doollar sida uu markale u sheegay  warbaahinta

“Roobabkii mahiigaanka ahaa ee Caasimadda ka da’ay 48-dii saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo lagu qiyaasay ugu yaraan $35 Million oo dollar” -Yariisow

Maamulka gobalka iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa wado dadaallo lagu caawinayo dadka ay saameeyeen roobabka ku dhuftay magaalada Muqdisho, waxaana jiro caawimaad iyo dib u dejin uu ilaa iyo hadda maamulku wado.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...