Muqdisho(SNTV):โRaโiisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa goor-dhow Dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka soo qeyb-galay shirkii Wadamada Islaamka ee looga hadlay Arrimaha Falastiin kaa soo ka dhacay Dalka Turkiga.
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdigii uu hogaaminayay ee halkaasi ugu qaybgalay shirka wadamada Islaamka ayaa kulan la qaatay intii halkaasi ay joogeen madax ka tirsan dowladda Turkiga.
Raโiisul Wasaare ku-xugeenka Mudane Mahdi ayaa ka lulmay dhigiisa dalka Turkiga, waxaana ay ka wada hadleen heshiisyada dhinacyada ganacsiga iyo iskaashiga horumarinta kaabayaasha, Islamarkaana loo fulin lahaa heshiisyo dhawr iyo toban gaaraya oo la xiriira dhinaca horumarka.
Sidoo kale kulanka labada Masโuul ayaa looga hadlay sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay uga faaโiidaysan lahaayeen Suuqyada Turkiga, si badeecooyinkooda ay u gaarsiiyaan suuqyada Yurub.
