Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo Maanta Dalka dib ugu soo laabtay

Date:

Muqdisho(SNTV):–Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa goor-dhow Dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu ka soo qeyb-galay shirkii Wadamada Islaamka ee looga hadlay Arrimaha Falastiin kaa soo ka dhacay Dalka Turkiga.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo wafdigii uu hogaaminayay ee halkaasi ugu qaybgalay shirka wadamada Islaamka ayaa kulan la qaatay intii halkaasi ay joogeen madax ka tirsan dowladda Turkiga.

Ra’iisul Wasaare ku-xugeenka Mudane Mahdi ayaa ka lulmay dhigiisa dalka Turkiga, waxaana ay ka wada hadleen heshiisyada dhinacyada ganacsiga iyo iskaashiga horumarinta kaabayaasha, Islamarkaana loo fulin lahaa heshiisyo dhawr iyo toban gaaraya oo la xiriira dhinaca horumarka.

Sidoo kale kulanka labada Mas’uul ayaa looga hadlay sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay uga faa’iidaysan lahaayeen Suuqyada Turkiga, si badeecooyinkooda ay u gaarsiiyaan suuqyada Yurub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...